Heemaal News Network

Turkiga oo ku biiraysa wada-xaajoodyada xaaladda Suuriya, Ee ka Socda Dalka Qadar.(Sawiro)

Turkiga wuxuu door-siiyay Qatar , oo ku biiraysa wada-xaajoodyada xaaladda Suuriya , iyadoo la filayo dabayaaqada ama bilowga toddobaadka dambe inta lagu jiro shirka Doha Forum in kulankii u horreeyay ee heer wasiir arrimo dibadeed oo looga hadlayo xaaladda Suuriya inuu ka qabsoomo magaalada Dooxa, markaa oo ay ka qeybgalayaan wasiirrada; Turkiga, Ruushka, Iran iyo Qatar.

Laakin doorka Qatar maxaa ka dhalan kara?

Haddii uu soo baxo door go’aamo leh oo Qatar ay ku yeelanayso xaaladda Suuriya, markaa waxaa la arki doonaa tallaabo deg deg ah oo ay qaadayaan Imaaraadka iyo Sacuudiga, kuwaasoo ay suragal tahay inay xoojiyaan doorka Mareykanka iyo inay ku qanciyaan Bashaar Al-Assad oo muddooyinkii u dambeeyay uu korayay xiriirka ay la leeyihiin inay iyagu awoodaan wax ka qabashada xaaladda uu wajahayo, laakin sidee? Ka warran haddii kooxaha bariga Suuriya ee kurdida ay la heshiiyaan Assad? Markaa waxaa dhabarka laga jabinaya danaha Turkiga, maaddama kooxaha kurdida ee Mareykanka uu taageerro ah oo ah awoodda labaad ee dhaqaalaha iyo dhulka ugu ballaaran ee bariga heysata uu Turkiga u aqoonsanyahay kooxo argagixiso ah! laakin qorshe kasta oo ay dhisan Imaaraadka iyo Sacuudiga , wuxuu u baahanyahay doorka Mareykanka , taa oo dhalinaysa shuruuda inuu Assad ka baxo garabka Iran oo si cad bannaan usoo dhigo, taa waa sida kaliya ee Assad iyo Mareykanka ay ku heshiin karaan..! Laakin suragal ma tahay inuu Assad ka soo tago Iran?

Waxay ila tahay isla daqiiqada ay tan oggaato Iran , waxaa la afgambin doonaa Assad , iyadoo hadda Iran ay marinayso Assad tijaabadii u dambeysay , xilli mar horaba la sheegay inay Tehran ka shaki qabto daacadnimada Assad oo xoojiyay xiriirka Carabta — waxaa diyaarsan jeneraalka la dhashay Assad ee Maher al-Assad oo kaliya saddex sanno ka yar Assad, balse waxaa si weyn ugu qanacsan Ali Khamenei, hoggaamiyaha Iran , oo doonaya in xukunka Suuriya loo dhiibo Maher..!

Dhab ahaantii hadda Suuriya waxay isku beddeshay miisaanka bariga dhexe, cidda ku dhigta gacanta maamulka Suuriya , waxay hagaysa xaaladda Suuriya , sidoo kale hadda Suuriya waa halka xulafada galbeedka ee bariga dhexe ay ka burburin karaan Iran, waa sababta ay Tehran ugu aragto qabsashada mucaaradka ee Suuriya inay ka dhigantahay burburinta hamiga Iran ee gobolka..!