Heemaal News Network

Turkiga Oo Madaxwayne Asad Ugu Baaqay Inuu Wada-hadal la Furo Mucaaridka Dagalamaya

Turkiga ayaa usoo jeediyay Bashaar Al-assad inuu wada-xaajood la furo dhaqdhaqaaqayaasha mucaaradka ee qabsaday waqooyiga iyo bartamaha Suuriya, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda Turkiga , Hakan Fidan oo baaqan soo bandhigay uu tilmaamay iskuday kasta oo xalka uu ka raadinayo dibadda Bashaar Al-assad inaysan siin doonin natiijo xasillooni ah.

Fidan ayaa sidoo kale faragelinta ku sheegay inay danqinayso boogihii uu Assad diidday inay dhayo 13-kii sanno ee dagaalka uu ku jiro dalkaa.

Hakan Fidan oo uu dhinac taagnaa wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa Ankara ka sheegay; “ Isbeddellada ugu dambeeyay ee Suuriya -waxaa sabab u ah dhibaatooyin aan la xallin 13-kii sanno ee la soo dhaafay….Ku guuldarraysiga xallinta mashaakilaadka gudaha ee Suuriya ayaa horseeday isku dhacyadii dhowaan dhacay, taliskuna dheg uma dhigin digniintayada.”