Dawlada Turkiga ayaa doonaya inuu Soomaaliya ka hirgeliyo saldhig uu ku sameynayo tijaabadda gantaalladiisa ballistic-ga ah , codsigan waxaa la sheegay in loo diray dawladda Soomaaliya ,sida ay ku warrantay Bloomberg.
Turkiga wuxuu doorbidayaa dhulka bannaan ee cirifka badweynta Hindiya ee ku dhow dhul-baraha oo mara Soomaaliya , waa aag istiraatiji ah oo dal ay adagtahay inuu isku helo, balse isagoo ka faa’iideysanaya Turkiga iskaashigiisa isku-dhiibada ah ee Soomaaliya , wuxuu usoo rarayaa saldhig tijaabada gantaallada riddada dheer , sababtoo ah mar kasta oo tijaabada ay ka dhacdo meel ku dhow dhul-baraha waxay gacan ka geysan kartaa kor u qaadida baaxada iyo hufnaanta gantaalada hawada
Xaggee ka maraa dhul-baraha Soomaaliya?
Dhulbaraha waa xariiq dhexmarta meere kasta taasi oo u qeybisa labo gobol; koonfur iyo waqooyi. Dhulbaraha, sidoo kale loo yaqaano xariiqda dhexe waxay meeraha dhulka ka dhex martaa qaarada Afrika, bartamaha Ameerika, iyo qeybo ka mid ah Aasiya. Soomaaliya waxaa loo aqoonsanyahay inuu dhul-baraha maro deegaanka Saanguuni oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose.
Warbixinta shabakadda Bloomberg, waxaa lagu sheegay tijaabada gantaalada ballistic-ga ee Turkiga inaysan saameyn ku yeelan doonin deegaanka oo la diyaarin doono hannaan ka hortaga qashinka ka dhalanaya tijaabada.
Qalabka illaa injineerada waa hanti muhiim u ah Turkiga;
Masaafada dheer ee ay isku jiraan Turkiga iyo Soomaaliya , si saldhig tijaabo gantaalada ah uu uga hirgeliyo Turkiga gudaha Soomaaliya , waa inuu aaggaa saldhigga ka diyaariya deked iyo saldhig ilaalo oo ay waqti walba joogayaan tiro ciidanka Turkiga ah , markaa oo xataa laga yaabo inay taageerro waqti walba ah ay ka heli karaan ciidanka badda Turkiga ee hadda lagu wareejiyay xeebaha Soomaaliya , iyadoo la dhigayo hannaanka difaaca hubka , diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaana si joogta ah halkaa uga howlgalaya, si ay dhaqdhaqaaqa ula socdaan, waa u hanti muhiim ah Turkiga mashruuciisa gantaallada riddada dheer ee ballistic-ga oo soo socday tan iyo sannadkii 2022, waxaana laga yaaba inuu Turkiga saldhigga u dhiso hab mustaqbal oo dhammaan wax soosaarka warshadihiisa difaaca lagu tijaabiyo , taasi waxay ka dhigaysa aagga saldhigga inuu Turkiga hubiyo xasilloonida amni ee ka jirta si aysan khasaare ula kulmin qalabkiisa iyo injineerada tijaabada sameynaya.
Gobolka Jubbada hoose , oo la filayo inuu saldhigan ka dhisanayo Turkiga , waxaa hadda ku sugan Mareykanka oo saldhig ku leh caasimadda gobolkaa ee Kismaayo, oo sidoo kale caasimad kumeel-gaar ah u ah maamulka Jubbaland ee Soomaaliya. Waxaa loo arkaa in heshiis labo geesood ah uu Turkiga halkaa ku deggayo, markaa oo ay suragal tahay ciidanka Turkiga inay door farsamo siiyaan militariga federaalka iyo ciidanka Jubbaland ee halkaa saldhigyo ay kula dagaallamaan AS ku leh. Ma cadda haddii ay Soomaaliya ka kireyn doonto Turkiga saldhigga uu doonayo , wallow warbixinta Bloomberg oo lagu soo bandhigay qorshe Turkiga aan lagu arag inuu Turkiga kireysan doono, laakin isagoo ka faa’iideysanaya heshiisyada difaac iyo iskaashiga ee uu kula jiro Soomaaliya , waxaa suragal hab aan kiro ahayn inuu saldhiggaa ku helo.
Haddii aad is waydiinaysid Soomaaliya maxay ka faa’iideysaa? Turkiga wuxuu heysta fayl taageerada uu siiyo Soomaaliya oo hadda in muddo ah wuxuu tababar siiya ciidanka kala duwan ee Soomaaliya, sidoo kalena maleh Soomaaliya istiraatijid difaac oo ay uga faa’iideysan karto gantaalada Turkiga, taana waxa ay meesha ka saaraysa in la arki karo wax layaab leh oo ay Soomaaliya soo bandhigayso si ay saldhigan ugu beddelato.