Heemaal News Network

UAE iyo Iran Oo la Ogaaday in ay Qayb ka yihiin Dagaalka Sudan

Baadhitaan ay samaysay BBC-da Carabiga ayaa lagu ogaaday cadaymo muujinaya in dhinacyada isku haya Sudan ay isticmaalayaan hub ay siiyeen Iran iyo Imaaraadka Carabta, inkastoo Qaramada Midoobay ay saartay cunaqabatayn dhanka hubka ah dalkaas.

Muuqaal laga soo duubay Ciidamada Taageerada Degdegga ah oo soo ridaya Diyaarad Drone ah oo ay leedahay Dowladda Suudaan ayaa u muuqda mid muujinaya in laga lahaa diyaaraddaas dalka Iiraan, halka baarnimyada dabagalka duullimaadyadana ay muujinayaan diyaarado dhowr ah oo Iiraan leedahayay ku soo degeen Magaalada Port Sudan.

BBC-da ayaa sidoo kale heshay caddaymo muuqaal ah oo taageeraya eedeynta Qaramada Midoobay ee ah in U-A-E ay siiso RSF hub. U-A-E iyo golaha madax banaanida Suudaan ayaa beeniyay eedeymahan.

Ciidanka Suudaan, R-S-F iyo wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa iyaguna diiday in ay ka hadlaan arrintan. QM waxay sheegtay in qulqulka hubka ku socda dalkaas uu yahay kan sii dheeraynaya dagaalka sokeeye, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan lix iyo toban kun oo qof, halka toban milyan oo kalena ay ku barakaceen.