Heemaal News Network

UK Oo Sheegtay in aysan Israa’iil ku Taageeri Doonin Duulaanka Rafax Ee ay Uga Digtay Inay Qaado

Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK, David Cameron ayaa mar kale ku celiyay mowqifka UK ee ah in aysan taageeri doonin howlgalka weyn ee Israa’iil ay ka waddo Rafax “haddii uusan jirin qorshe cad oo lagu badbaadinayo nolosha dadka”.

“Ma aanan arag qorshahaas, marka duruufaha jira awgood ma taageeri doono hawlgal weyn oo ka dhaca Rafax,” ayuu yiri Cameron.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay “farqiga aasaasiga ah” ee u dhexeeya habka UK iyo Mareykanka, halkaas oo madaxweyne Joe Biden uu ka digay inuu joojin doono xoogaa hub ah oo la siiyo Israa’iil haddii uu dhaco weerar ka dhan ah Rafax.