Shirkii golaha dhexe ee ururka ONLF uga socday magaalada jigjiga oo galay maalintiisii labaad ayaa lagu doortay gudoomiye ku meel gaadha, oo loo doortay C/kariin sh/Muuse oo ahaa gudoomiye ku xigeenka Ururka, halka xilkii laga qaaday gudoomiyihii hore C/raxmaan Mahdi (Maadey).
Ururka ayaa sheegay in C/kariin Qalbi-dhagax uu xilka gudoomiyaha ururka sii hayo inta laga gaadhayo shirwaynaha ururka OLNF.