Heemaal News Network

Ururka Xamaas Oo Ansixisay 34 Maxbuus Oo Israa’iil Loogu sii Daynayo Heshiis la Filayo in la Gaaro

Ururka Xamaas ayaa lagu warramaya inuu ansixiyay liiska 34 maxbuus oo ay sii deyn doonaan wajiga koowaad ee heshiis la filayo dhawaan in lagu gaaro Dooxa, balse Xamaas ma aysan caddeyn maxaabiistan tirada nool iyo haddii ay ku jiraan meydad ay wareejinayaan.

Sidoo kale waxaa wali jira inan la dhammeystirin tirada Falastiiniyiinta ay ku beddelanayso maxaabiista ay sii deynayso Xamaas, kuwaasoo la sheegay inay da’dooda ka yartahay 50 jir, sida ay ku warrameen shabakada Axios iyo wargyska Walla.

Duqeymaha militariga Israa’iil ee Marinka Qasa ayaa Maanta ku dhintay ku dhowaad 70 qof, sida ay sheegeen waaxaha caafimaadka Falastiiniyiinta, xilli dhexdhexaadiyeyaasha ay dardar gelinayaan xabbad-joojin lagu soo afjarayo dagaalka socda 15-ka bilood.

Ugu yaraan 17 ka mid ah dadka dhintay waxay ku dhinteen duqeymaha cirka oo lala beegsaday labo guri oo ku yaalla Qasa.

Dadka ayaa burburka ka baadi-goobayay ehelkooda ku xanniban waxayna sheegeen in dhowr carruur ah ku jireen dadka dhintay.