Ururka Xamaas, ayaa maanta ku dhawaaqay inay ansixiyeen soo jeedinta Masar ee la xiriirta dhismaha guddiga arrimaha bulshada iyo maamulka Qasa oo ka kooban Xamaas iyo ururka Fatax.
Warkan ayaa lagu sheegay hadalka ka soo baxay Xamaas oo ahaa in wada-hadallo qoto-dheer oo ay Qaahira ku yeesheen inay ku ansixiyeen soo jeedinta Masar, sidoo kalena ay isla meel dhigeen fulinta heshiisyo dhammaystiran oo labada ururka ay ku heshiiyeen si loo gaaro midnimo qaran oo gebi ahaanba la joojiyo kala qaybsanaanta.
Nuxurka heshiiskan waa in maamulka Qasa ee dagaalka kaddib uu noqonayo mid ka kooban Xamaas iyo Fatax, halka hadda guddiga la dhisayo uu ka shaqeynayo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ku go’doonsan Qasa iyo dadaallada dib u dhiska marinka Qasa.
Faahfaahinta iyo sababta ku dhalisay Xamaas inay heshiiskan ansixiso dib ayaan fallanqeyn idinkaga soo gudbin doonaa, haddii rabbi idmo.