Heemaal News Network

Villa Soomaaliya oo lagu eedeeyay in Colaad ka hurineyso Gaalkacyo

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa laga dareemayay dhaq dhaqaaqyo ay halkaasi ka wadeen ciidamo katirsan kuwa sida gaarka ah u tabaran ee PSF ay maamulaan qoyska reer Diyaano.

Maamulka gobolka Mudug ee Puntland oo shir yeeshay ayaana ka mamnuucay in ay dhaqdhaqaaqyo ka sameeyaan magaalada Gaaljacyo ciidanka PSF, waxaana amar la siiyay ciidamada amaanka Puntland in ay kahor tagaan falalka amaan daro ee magaalada laga dhax abuuri karo.

Xildhibaan hore Cabdibarre Yuusuf Jibriil oo ka soo jeeda degaannada maamulka Puntland, ayaa ku eedeeyay maamulka Villa Soomaaliya in ay colaad ka abuurayaan Puntland, gaar ahaan waqooyiga magaalada Gaalkacyo .

Waxa uu sheegay Cabdibarre in mas’uuliyiin u dhashay Puntland oo xilal ka haya dowladda Xasan Shiikh ay Gaalkacyo ka abaabulayaan maleeshiyaad hubaysan, si ay qalalaase amni uga sameeyaan magaalada kaddib markii Villa Somalia u xilsaartay qorshahaasi.

” Xasan Shiikh awood uu Puntland ama Gaalkacyo ku soo weeraro ma hayo, laakiin wuxu adeegsanaya shakhsiyaad calooshood u shaqaystayaal ah oo qanjir ku noqday Puntland kuwaasi oo lacago lagu soo siiyay barakicinta dadkooda iyo burburinta magaaladooda Gaalkacyo, waana kuwa u dhashay Puntland ee xilalka u haya Villa Somalia” ayuu yiri Xildhibaan hore Cabdibarre Yuusuf Jibriil.

Hadalkan xildhibaankan hore ayaa kusoo aadaya xilli waqooyiga Gaalkacyo laga dareemay dhaq dhaqaaqyada ay wadaan ciidamada daacada u ah qoyska reer Diyaano, waxa ayna arrimahan imaanayaan xilli dowladda Federaalka raadineyso albaabo ay ka gasho Puntland oo khilaaf kala dhaxeeyo.