Heemaal News Network

Waa kuma Abu Muxamed al-Julani Hogaamiyaha Mucaradka ka Dagaalamaya Siiriya?

Iyadoo xoogagga mucaaradka Suuriya ay gaareen magaalada Dimishiq ayaa kooxaha mucaaradka waxa ay daabaceen muuqaalo nin gar leh oo gashan tuutaha milateriga kaas oo hagaya weerarka. Ninkani ayaa lagu magacaabaa Abu Mohammed al-Julani, oo ah hogaamiyaha kooxda Hayat Tahrir al-Sham

Iyadoo ciidamadiisu ay xoog ku galeen Xalab, Hama iyo Homs Al-Jolani waxa uu mar kale noqday ubucda doodaha iyo muranka ka taagan gudaha iyo dibadda Suuriya, gaar ahaan tan iyo markii uu noqday hoggaamiyaha koox ay dalalka Reer galbeedka iyo kuwa Islaamka iyo Qaramada Midoobay ay u aqoonsanyihiin urur argagixiso .

Isagoo madax ka ah kooxda Jihaadiga ah ee Hayat Tahrir al-Sham, Abu Maxamed al-Jolani wuxuu hoggaamiyaa jabhadda ugu weyn Waqooyi-Galbeed ee Suuriya, isagoo maamula deegaanno ballaaran oo ka tirsan gobolka Idlib iyo qaybo ka mid ah gobollada la deriska ah ee Xalab, Ladiiqiya iyo Hama.

Deegaankan waxa ku nool ilaa saddex milyan oo qof oo barakacayaal ah, waana deegaanka ugu weyn ee mucaaradka.

Ninkan ayaa weerarkii ugu dambeeyay ee lama filaanka ahaa ee billowday Arbacadii ina dhaaftay wuxuu ahaa weerarkii ugu yaabka badnaa ee ilaa hadda soo mara xirfaddiisa isagoo ka mid ah hoggaamiyeyaashii ugu muhiimsanaa dagaalka sokeeye ee Suuriya, laakiin sidoo kale wuxuu ahaa qof ay arrima badani ay ku gaddaaman yihiin.

Warbixinadu waxay ku kala duwan yihiin magaciisa dhabta ah, taariikhda iyo goobta uu ku dhashay, taariikh nololeedkiisa iyo xitaa dhalashadiisa, taas oo sii kordhineysa wax badan oo qarsoon shakhsiyadiisa. Sida laga soo xigtay warbixinnada Qaramada Midoobay, waxa uu dhashay intii u dhaxaysay 1975 ilaa 1979, halka Interpol ay sheegtay in uu dhashay 1975kii.

Sida uu ku sheegay waraysi uu siiyay warbaahinta PBS ee Maraykanka, magaciisa dhabta ah waa Axmed Xuseen al-Sharaa, naaneystiisa oo tilmaamaysa Buuraha Golan ayaa ka tarjumaysa xiriirka qoyskiisu la leeyahay gobolkaas. Waxa uu waraysigaas ku sheegay in uu sannadkii 1982-kii ku dhashay caasimadda Sucuudiga ee Riyaad, halkaas oo uu aabbihii ka ahaa injineer shidaal ilaa sannadkii 1989-kii. Sannadkaas, qoyska al-Julani waxay ku noqdeen Suuriya, halkaas oo uu ku koray oo uu ku noolaa xaafadda Mezzeh ee magaalada Dimishiq.

Warar ay baahisay warbahainta ayaa sheegay in Al-Julani uu ku dhashay magaalada Deir ez-Zor ee dalka Suuriya sanadkii 1981-kii, waxaana la sheegay in uu muddo labo sano ah uu cilmiga caafimaadka ku soo bartay magaalada Dimishiq, ka hor inta uusan ka tagin sanadkiisii saddexaad ee waxbarashada si uu ugu biiro ururka xagjirka ah ee Al-Qaacidada ee Ciraaq ka dib duulaankii Mareykanka ee 2003dii.

Waxaa la rumeysan yahay inuu si xawli ah ay korugu kacday darajada uu ka gaaray ururka Jihaadiga ah, isagoo noqday saaxiibka ugu dhow ee Abuu Muscab Al-Zarqaawi. Waxa uu u guuray Lubnaan 2006dii ka dib markii la dilay Zarqawi, halkaas oo sida la sheegay uu kormeeray tababarka kooxda xagjirka ah ee Lubnaan ee Jund al-Sham. Waxaa la rumeysan yahay inuu mar kale u safray dalka Ciraaq, halkaas oo ay ku xireen ciidamada Mareykanka in muddo ah, wuxuuna ku biiray dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq ka dib markii la sii daayay 2008-dii.

Sida ay sheegeen dadka wax indha indheeya Al-Julani waxa uu dib ugu laabtay dalkiisa Suuriya bishii August 2011kii, halkaas oo uu ka aas aasay laan ka mid ah al-Qaacida si ay ugu biirto dagaalka ka dhanka ah Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad.

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska Lubnaan ee As-Safir ayaa tilmaamay in “qaar ay yiraahdeen waa Ciraaqi waxaana loogu yeeri jiray Al-Julani iyadoo la tixraacayo xaafadda Al-Julan ee Falluuja oo uu ka yimid.

Markii uu qabtay hoggaanka Jabhat al-Nusra, hay’adda cilmi-baarista ee Ingiriiska Quilliam Foundation ayaa sheegtay in al-Julani uu “waayo-aragnimo uu u leeyahay Ciraaq,” taas oo ka dhigaysa hoggaankiisa Jabhat al-Nusra “mid aan muran la gelin karin.” Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay in tafaasiisha al-Julani “si aad ah loo ilaaliyo oo inta badan xubnaha Jabhat al-Nusra aanay garanayn hogaamiyahooda.”

Al-Julaani waxa uu caan ka noqday dalka Ciraaq xiligii uu joogay dalka Ciraaq, waxaana gacanta ku hayay Abu Muscab Al-Zarqaawi oo ahaa aasaasihii Al-Qaacidada Ciraaq, halkaas oo uu door muhiim ah ka qaatay fududaynta hawlgalada xudduudaha isaga gudba, isaga oo asal ahaan ka soo jeeda Suuriya, Isagoo isku xirayey dagaalyahanada ajnabiga ah iyo falaagada gudaha ee qaaday weeraro iyo howlgalo ismiidaaminta ah.

Sannadkii 2010-kii ayay ciidamada Maraykanka ee Ciraaq ku xireen Camp Bucca, oo caan ku ahayd inay noqoto meel ay ku barbaaraan fikradaha xagjirka ah.

Muddadani waxaa sii xoogeystay xiriirka uu la leeyahay shabakadaha jihaad doonka ah, oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha mustaqbalka ee Dawladda Islaamiga ah (ISIS), waxaanu dhawr sano uu ku qaatay xabsiyada ciidamada Maraykanka.

Markii kacdoonka Suuriya uu isku beddelay dagaal hubaysan sanadkii 2011kii , Al-Jolani ayaa dib ugu laabtay dalka Suuriya isaga oo la shaqaynayey hogaamiyaha Daacish Abu Bakar al-Baghdadi si uu u aas-aaso laanta Suuriya, halkaas oo uu ku aasaasay Jabhat al-Nusra January 2012kii.

Laakin markii hoggaamiyaha dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq, Abu Bakar al-Baghdadi, uu ku dhawaaqay in ay ku biireen Jabhadda Nusra sannadkii 2013-kii, al-Julani wuu diiday, wuxuuna ballan-qaaday inuu daacad u yahay hoggaamiyaha Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri.

Bishii Luulyo 2016, al-Julani ayaa ku dhawaaqay in kooxdiisu ay xiriirka u jartay al-Qaacida, wixii hadda ka dambeeyana loogu yeeri doono Jabhat Fateh al-Sham.

Sannadkii 2017-kii, kooxdu waxay dib-u-habayn ku samaysay Hayat Tahrir al-Sham, oo ah isbahaysi ka kooban kooxo Islaamiyiin ah oo uu hoggaamiyo al-Julani. Iyadoo la ilaalinayo fikradda Islaamiyiinta mayalka adag, kooxdu waxay rabtay inay soo bandhigto sawir waaqici ah oo diiradda lagu saarayo maamulka maxalliga ah iyo dublamaasiyadda halkii ay ka ahaan lahayd jihaadka xuduudaha isaga gudba.

Sannadkii 2021, al-Julani ayaa u sheegay PBS inuu ka tagay hadafkii al-Qaacida ee Jihaadka caalamiga ah, haddana uu diiradda saarayo oo keliya sidii uu xukunka uga tuuri lahaa maamulka Bashaar Al-asad ee Suuriya iyo sidii uu xukun Islaami ah uga hirgelin lahaa Suuriya.

Habka hoggaamineed ee Al-Julani waxa lagu gartaa in uu la qabsan karo duruufaha markaasi jira. Markii hore, waxa ay salka ku haysay fikradda Al-Qaacida, laakiin waxa ay si tartiib tartiib ah ugu dhaqaaqday qorshe maxalli ah oo dheeraad ah.

Isaga oo ah hogaamiyaha Hayat Tahrir al-Sham, al-Jolani waxa uu saameyn weyn ku leeyahay Idlib, oo ah meesha ugu dambeysa ee mucaaradka ugu weyn Suuriya.

Al-Julani waxa uu caddeeyey in uu awood u leeyahay in uu isu dheelli tiro hawlgallada milatari, gorgortanka dublamaasiyadeed iyo maamulka maxalliga.

In kasta oo warbixinnada saxaafaddu ay ka hadleen nooc aad u adag oo ka mid ah waxyaabaha ay fulinayso Hayat Tahrir al-Sham, kooxda Salafiyada oo ah koox aad u xoog badan oo ku cadaadisa kuwa kasoo horjeeda.

Waxaa jira soo baxayay oo aad u baahsan oo lagu eedeeyay HTS inay jirdil u geystaan maxaabiista. Al-Jolani ayaa beeniyay eedeymahaas, isagoo ugu baaqay hay’adaha xuquuqul insaanka inay booqdaan xabsiyada ayna soo kormeeraan xaaladaha ay ku sugan yihiin.

Sanadihii la soo dhaafay, warbixino dhowr ah ayaa soo baxayay oo ku saabsan geerida al-Julani, laakiin dhammaan waxaa la xaqiijiyay inay been yihiin.

Isaga oo ah hoggaamiyaha HTS, al-Jolani waxa uu damcay in uu dib isu celiyo sidii hoggaamiye rayid ah, isaga oo isku dayaya in uu iska fogeeyo sawirka la xiriira argagixisada caalamiga ah.

Iyadoo ay jiraan dadaalladaas, dowladda Mareykanka waxay ku tilmaantay inuu yahay Argagixiso, iyadoo abaalmarin dhan 10 milyan oo dollar ku bixinaysa xog kasta oo horseedaysa in la soo qabto, iyadoo la tixraacayo xiriirkii hore ee uu la lahaa Alqaacidda.

Isha: BBC