Wada-hadallo la xiriira xabbad-joojinta Qasa oo maanta ka furmay magaalada Roma ee caasimadda Talyaaniga, ayaa goor dhow la sheegay inay istaageen, sababo la xiriira in dooddo adag laga yeeshay goobaha ay ciidanka Israa’iil ku sugnaan doonaan muddada xabbad-joojinta iyo ka bixitaanka ciidanka Israa’iil ee marinka Philadelphia oo isku xira Qasa iyo dhulka Masar, sida ay ku warrantay Al-jazeera oo xiganaysa wargeyska New York Times.