Heemaal News Network

Wadahadaladii Gaza Oo Bilaabmay Iyadda Oo Israa’iil Gudaheeda Banaanbaxyo Kaga Socdaan Natanyahu

Wadahadallada nabadeed ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ayaa la filayaa in ay dib uga bilowdaan magaalada Qaahira maanta oo Axad ah, warbaahinta Masar ayaa ku warrantay, maalmo kaddib markii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo saaray dalabkiisii ugu horreeyay ee xabbad-joojin ah oo laga sameeyo dagaalka Gaza.

Dib u bilaabashada wada xaajoodka dadban, oo uu baahiyay TV-ga Al Qahera News TV ee Masar Sabtidii, ayaa ku soo beegmaya iyadoo mudaaharaadyo kale oo looga soo horjeedo Ra’iisal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ay ka dhaceen caasimadda Israel.

Dad badan oo Israa’iiliyiin ah ayaa dareensan in Netanyahu uu yahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan in uu heshiis la saxiixdo Xamaas iyo in maxaabiista lagu hayo Gaza lagu soo celiyo dalkooda, ayuu yiri Xamdah Salhut oo ka tirsan Al Jazeera.

“Dadkani waxay ku baaqayeen heshiis lagu soo celinayo maxaabiista in ka badan 175 maalmood. Waxay sheegeen in siyaasadaha dawladda Israa’iil ay si fudud u fashilmeen,” ayuu yidhi Salhut, isaga oo ka warbixinaya mudaaharaad ka dhacay Tel Aviv oo ay isugu soo baxeen kumanaan, oo ay ku jiraan qoysaska maxaabiista.

Mudaaharaadyada ayaa sidoo kale ka dhacay meel u dhow hoyga Netanyahu iyo magaalooyinka kale ee Israel.

Qatar, Masar iyo Maraykanka ayaa isku dayaya inay gaadhaan heshiis is dhaafsi maxaabiis ah iyo xabbad joojin laga gaaro Gaza, iyadoo hakadkii ugu horreeyay uu socday toddobaad oo keliya dabayaaqadii bishii November ee sannadkii hore.

Mas’uul ka tirsan Israa’iil ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Israa’iil ay wafdi u diri doonto wada-hadallada Qaahira maanta oo Axad ah. Sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa si kastaba ha ahaatee u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in kooxdu ay sugi doonaan inay maqlaan dhexdhexaadiyayaasha Qaahira ee ku saabsan natiijada wadahadalka ay la leeyihiin Israel marka hore.

Telefishinka Aljazeera Salhut ayaa sheegay in bayaan ka soo baxay xafiiska Netanyahu uu ku sheegay in uu u fasaxay kooxda wada xaajoodka Israel in ay la kulmaan dhexdhexaadiyeyaasha Qaahira iyo Doha, waxaana uu siiyay amar ay ku wadahadlaan.

Dhexdhexaadiyeyaasha sida Mareykanka ayaa sheegaya inay weli rajo ka qabaan in heshiis la gaari karo. Laakiin weli waxaa jira dhibco culus oo labada dhinac ah, iyo waxyaabo waaweyn oo aan gorgortan ka geli karin,” ayuu yiri weriyaheenna.

Xamaas ayaa isku dayday in ay xaliso heshiis kasta oo lagu soo afjarayo dagaalka iyo in ciidamada Israel ay si buuxda uga baxaan Gaza. Si kastaba ha ahaatee Israel ayaa meesha ka saartay arrintan, iyadoo sheegtay in xitaa haddii uu hakad dheer ku jiro dagaalka uusan dagaalku dhammaan doonin ilaa laga adkaado Xamaas.

“Iyadoo ay jiraan qodobbo is-jiid-jiid ah, dhexdhexaadiyeyaasha ayaa sheegaya inay calaamad wanaagsan tahay in wadahadalladani ay sii socon doonaan,” ayuu yiri Salhut.

Xabbad joojin degdeg ah oo joogto ah’

Meelo kale Sabtidii, wasiirrada arrimaha dibadda ee Faransiiska, Masar iyo Urdun ayaa ku baaqay “xabad joojin degdeg ah oo joogto ah” Gaza iyo sii deynta dhammaan maxaabiista ay haystaan kooxaha hubaysan ee Falastiiniyiinta.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen magaalada Qaahira, diblumaasiga ugu sarreeya Faransiiska, Stephane Sejourne ayaa sheegay in dowladdiisu ay horgeyn doonto qaraar qabyo ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo dejinaya “siyaasad” xallinta dagaalka.

Waxa uu sheegay in qoraalka uu ku jiri doono “dhammaan shuruudaha xal-u-helidda laba-dowladeed” ee iskahorimaadka Israa’iil iyo Falastiin, naqshadda nabadda ee ay muddada dheer u ololeynaysay beesha caalamka laakiin ay ka soo horjeedo xukuumadda Netanyahu.

Saddexda wasiir ayaa dib u cusboonaysiiyay taageeradii ay dawladoodu u hayeen hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ee UNRWA, taas oo ay soo wajahday dhibaato dhaqaale tan iyo markii ay Israa’iil ku eedaysay in qaar ka mid ah 13,000 oo shaqaalaheeda Gaza ah ay ku lug lahaayeen weerarkii October 7.

“Israa’iil kaliya maaha inay gaaj ku dilayso Falastiin, balse waxay doonaysaa inay disho cidda keliya ee awood u leh inay hor istaagto macluusha,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Urdun Ayman Safadi.

Wasiirka arrimaha dibadda Masar Sameh Shoukry ayaa sheegay in Gaza “aysan u adkeysan karin burbur dambe iyo dhibaato bini’aadantinimo”, wuxuuna ugu baaqay Israa’iil inay furto marinkeeda dhulka si ay u oggolaato gargaarka bini’aadantinimo.

In ka badan 32,000 oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay dagaalka Israel ee Gaza tan iyo Oktoobar 7. Tani waxay daba socotay weerar ay Xamaas ku qaadday koonfurta Israa’iil, kaas oo 1,139 qof lagu dilay in ka badan 200 oo maxaabiis ah – kuwaas oo qaar ka mid ah ay weli ku sugan yihiin Gaza.

Toddobaadkan, ka dib ku dhawaad lix bilood oo dagaal ah, golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu dambayntii gaadhay is-afgarad, waxaanay soo saareen qaraar ku baaqaya xabbad-joojin degdeg ah.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalku wuu sii socdaa, iyadoo Israa’iil ay weli qaadayso weerarro cir iyo dhul ah oo ay ku qaadayso dhulka, waxayna ballan-qaadday inay duullaan buuxda ku qaadi doonto magaalada ugu xigta koonfurta ee Rafah halkaas oo in ka badan milyan Falastiiniyiin ah ay gabaad ku jiraan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Nato Oo Israa’iil Ugu Baaqay Inay Wax badan ka Qabato Ilaalinta Rayidka iyo Shaqaalaha Gargaarka

Heemaaln

Raysal Wasaaraha Uk Oo War Adag ka soo Saaray Weerarka Iran ku Qaaday Israa’iil.

Heemaaln

Wasiiradda Arimaha Dibada Yurub Oo La Kulamaya Dhigooda falsdiin Iyo Israiil

Heemaal