Heemaal News Network

Wafdi ka Socda Dowladda Somaliya iyo Somaliland Oo Maanta Gaadhay Jigjiga

Wafdi ka kala socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa maanta waxa siyaabo kala duwan loogu soo dhoweeyay deenada Dowlad Degaanka Soomaalida waxaana ay ka qeyb galayaan xuska waqtigii la aas aasay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Degaanka Soomaaliya ayaa Garoonka Garaad wiil-waal ee magaalada Jigjiga kusoo dhoweeyey masuuliyiin ka socotay Dowladda Soomaaliya oo ay kamid yihiin, C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya.

Sidoo kale magaala xuduudeedka Wajaale waxaa lagusoo dhoweeyay masuuliyiin ka socotay Somaliland oo ay hogaaminayaan Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Somaliland, Cali Xaamud Jibriil iyo Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Somaliland C/laahi Jaamac si xuska ay uga qeyb galaan.

Maalinta Berrito ah oo ay 23ka Janaayo ku beegan tahay ayay shacabka Dowlad Degaanka Soomaalida u dabaaldegi doonaan waqtigii la aas aasay iyadoona ay jiraan wafuud kale oo qurbaha uga timid inay munaasabadaan ay ka qeyb galaan.

Sannadkii 1993dii bishii January 23keedii ayay aheyd markii la yagleelay Dowlad Degaanka Soomaalida, xilligaa waxaa Madaxweyne loo doortay Cabdullaahi Maxamed Sacdi, oo ahaa Madaxweynihii u horreeyay ee Dowlad degaanka Soomaalida, iyadoo caasimadda degaankuna ay ahayd wakhtigaa magaalada Godey, wakhti kaddib ayaa loo raray caasimadda magaalada Jigjiga oo hadda ah caasimadda Dowlad degaanka Soomaalida.