Wafdigan ka socday dawlada Jabuuti ayaa waxa qayb ka ahaa quburo ka socotay shirkad Shiinays ah oo ka hawlgasha dalkaasi Jabuuti, kuwaasoo qiimayn ku samaynaya sidii magaalada Saylac looga moosi lahaa biyaha Bada oo waqtiyada qaar kusoo fataha gudaha magaalada, taasoo dhibaaato ku haysa nolosha dadka reer Saylac.
Wafdigan ayaa markii ay soo gaareen magalada Saylac waxa kulan la qaatay Baraasaabka gobolka Salal oo ay weheliyaan Duqa Degmada Saylac Mudane Maxamuud Cigaal Wacays- Maayar Kuxigeenka Degmada Saylac Xoghayayasha Fulinta Gobolka & Degmada Xubno kamida Xildhibanada Golaha Deeganka Degmada Saylac, Sarakisha Cidamada Gobolka ee Booliska iyo ilaalada Bada.
Sikastaba ha noqotee shirkadan shiinaha ah ayaa lagu wadaa inay bilowday wax ka qabashada fatahaada biyaha Badda iyo kuwa dooxyada ee waqtiga roobka aalaabe soo gala gudaha magaalada.