Wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda XFS Maxamuud Aadan Geesood ayaa waxbixin ka siiyay wafdiga shaqada baaxadda leh ee ka socota Dekadda Muqisho, Wasiirka ayaa la wadaagay madaxda ka socotay Cummaan horumarrada uu gaaray dalkeenna iyo sida diyaar loogu yahay cidkasta oo maalgashi ku samaysanaysa.
Dhankiisa, Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Saldanadda Cummaan Eng. Saciid Bin Xaamud Bin Saciid ayaa uga mahadceliyey wasiirada iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhoweynta wanaagsan oo ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna boggaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka.