Wafdiga Azerbaijan inta ay dalka joogaan, waxaa qaabili doona Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, si loo soo banbixiyo fursadaha lagu xoojin karo xiriirka labo dhinaclaha, korna loogu qaadi karo iskaashi dhinacyo badan leh oo ka tarjumaya dano wadaagga labada dal ee walaalaha ah
Dhinaca kale, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Shire Maxamed ayaa maanta qaabilay wafdiga ka socda dalka Azerbaijan oo uu hoggaaminayay Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dalkaas Mudane Yalchin Rafiyev.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xariirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada Tamarta,Batroolka ,maalgashiga iyo tababarka xirfadlayaasha.
Kulanka ayaa waxaa wasiirka ku wehliyay Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiye Fathudiin Ali iyo Guddoomiyaha hay’adda Batroolka Somaliyeed Engineer Abdulkadir Adan Mohamed.