Heemaal News Network

Hindiya Oo Madaxda Somaliya kala Hadlay Arimo Muhiim ah.(Sawiro)

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqii ayaa maanta la kulmay wafdi sare oo ka socday dalka Hindiya, oo uu horkacayay Dr. Sureh Kumar oo ah JS-ka ama Xogheyaha wadaagga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Hindiya.

Inta uu kulanku socday arrimaha laga wada hadlay waxaa ka mid ah; iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan iyada oo si gaar ah loo dul istaagay horumarrrada ay ku tillaabsatay Soomaaliya ee dhanka amniga iyo meelaha kale.

Kulankan oo ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen safiirkeena dalka India mudane Axmed Cali Daahhir iyo xubno ka socday wasaaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa aad loogu falanqeeyey dhibaatada muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku qabaan visaha dalka Hindiya oo ay u aadaan dalalka deriska.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallin oo arrimahan il gaar ah ku eegaya ayaa ku taliyey in adeegga visaha loosoo dhoweeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee caafimaadka iyo waxbarashada dalkaas u aada, loona keeno magaalada qunsuliyad ay ka dalbadaan visaha.

Wafdigan Hindiya oo ka socday guddiga sare ee dakaasi, qeybna ka yihiin xoghayeyaal iyo saraakiil sare ayaa la kulmaya mas’uuliyiin kala duwan ee dowladda.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

SSC-Khaatumo Oo Markii Ugu Horreysey 2.6 Milyan Doollar ka Heshey Deeqaha Caalamiga ah Ee Somaliya.

Heemaaln

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Warbixiyey Kulankii M/Biixi iyo Faysal Cali Waraabe ku Heshiiyeen

Heemaaln

Sarakiishii Imaaraadka Oo Aas Qaran loo Sameeyay Maxayse U Dhimi kartaa Hawlgaladii Imaaraadka Ee Somaliya?

Heemaaln