Wakiilka Ruushka ee Golaha Ammaanka, Vasily Nebenzya wuxuu shaki geliyay run ahaanshaha inay Israa’iil oggalaatay dagaalka in la soo afjaro, kaddib markii Mareykanka uu sheegay qaraarka uu Golaha Ammaanka ansixiyay inay oggalaatay Israa’iil.
“Ma jirto wax caddayn ah oo ku saabsan oggolaanshaha rasmiga ah ee Israa’iil sida ku qoran qaraarka… Waxaa jira hadallo badan oo ka soo baxay Israa’iil oo ku saabsan kordhinta dagaalka illaa Xamaas gebi ahaanba meesha laga saaro.” ayuu yiri , wakiilka Ruushka , Vasily Nebenzya.