Heemaal News Network

War Israel ay ka soo Saartay Duqeyntii Beirut Oo Beenoobay

Israa’iil ayaa ku sheegtay duqeynta ay ka geysatay xaafadda Dahiyeh ee koonfurta Beirut, inay ku dishay sarkaal sare oo ka tirsan Xisbullah oo lagu magacaabo Fouad Shukr.

Sarkaalkan ayaa ka mid ah kuwa ugu muhiimsan Xisbullah oo sidoo kale ah la-taliyaha sare ee arrimaha militariga ee hoggaamiyaha Xisbullah, Xasan Nasrallah,

Israel waxay ku eedeysay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii Majdal Shams oo lagu dilay 12 qof oo ka soo jeeda Suuriyaanka deggan gobolka la heysto ee Golan Heights.

Hase ahaatee Wakaaladda wararka Iran ee Tasnim, ayaa sida ay ka soo xiganayso Al-Jazeera ku warrantay inuu fashilmay howlgalka ay sheegtay Israa’iil inay ku beegsatay Fouad Shukr, oo ka mid ah saraakiisha ugu sarreysa Xisbullah iyo howlgeliyaha howlgallada militari.

Hadda ma muuqato inuu howlgalka guuleystay, balse beegsiga sarkaalka ugu khibrada sarreeya ee Xisbullah ayaa dhalinaya su’aal ah heerka uu gaarsiisanyahay habka ay u ilaalinayaan Xisbullah dhaqdhaqaaqa saraakiishooda sare, xilli ay sare martay xiisadda kala dhaxeysa Israa’iil.