Waxaa Maanta, Shir Looga Arrinsanayo Tacliinta Sare Ee Puntland isugu yimid Dawladda Puntland iyo Bahda Tacliinta Sare.
Shirka oo uu Guddoomiyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Mudane Ilyas Osman Lugatoor, Waxaa soo Agaasintey Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare.
Dood iyo falanqayn dheer ka dib, Waxaa dhinacyada Shirku isku raaceen:
In Dawladdu Dardargeliso Kaalinta Kaga Aaddan Horumarinta Arrimaha Tacliinta Sare.
In Dawladdu La Garab Istaagto Tacliinta Sare Qoondo Dhaqaale Iyo Taageero Farsamo.
In Laga Shaqeeyo Xoojinta Wada-Shaqaynta Bahda Tacliinta Sare Lana Mideeyo Iskaashigooda.
Inay Hirgeliso Wasaaradda Waxbarashadu Barnaamijka Maaraynta Xogta Tacliinta Sare ( HEMIS), Wasaaradduna ay tahay cidda maamuleysa xogta Jaamacadaha Puntland.
In la dedejiyo dib-u-eegista iyo waxkabeddelka lagu sameynayo siyaasadaha iyo shuruucda la xiriira tacliinta sare iyo meel marintooda si loo hirgeliyo dhismaha Guddiga Tacliinta Sare