Xildhibaanadan oo u muuqday kuwo si weyn uga cadhooday habka ay u shaqeeyaan hoggaanka dalka, ayaa ku eedeeyay Golaha Wadatashiga Qaranka inuu noqday madal keli ah oo u adeegta danaha hal xisbi siyaasadeed, halkii uu noqon lahaa gole mideeya dalka oo ka tarjuma aragtida dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Waxay xildhibaanadu si cad u sheegeen in go’aannadii siyaasadeed ee ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka aysan ka tarjumeyn rabitaanka ummadda Soomaaliyeed, balse ay ahaayeen go’aano uu gaaray hal urur siyaasadeed oo dano gaar ah leh. Waxay ku baaqeen in haddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu doonayo in uu kasoo laabto mas’uuliyadda ka saaran hoggaaminta dalka, in uu si sharfan isaga casilo xilka madaxweynaha, si dalka looga badbaadiyo burburka sii fidaaya.
“Waxaa muuqata in dalka uu ku socdo dariiq qaldan oo halis gelin kara jiritaanka dowladnimada Soomaaliya. Waxaan si geesinimo leh u leenahay: Haddii Madaxweynaha uusan diyaar u ahayn in uu badbaadiya dalka, waa in uu isaga taga mas’uuliyadda,” ayay yiraahdeen xildhibaanada.
Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa kasii dareysa, iyadoo shacabka ay la daalaa-dhacayaan saboolnimo, amni xumo, musuqmaasuq baahsan iyo is-maandhaaf siyaasadeed oo aan joogsi lahayn. Waxaa muuqata in kalsoonidii shacabka ay si xawli ah uga sii luntay dowladda hadda jirta.