Heemaal News Network

Warar Dheeraad Ah Iyo Xaalada Hadda Taagan ee Dagaalka Iiraan Iyo Xulafada Yuhuuda

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in Iran ay ku soo weerartay in ka badan 100 diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn oo xambaarsanaa bambooyin kala duwan. Saacado ka dib, haddana waxaa Iran ay markale ku dhawaaqday inay dhinaca Israa’iil ku ridday gantaallo waaweyn oo khasaare badan geysan kara.

Qaar ka mida gantaallada Iran ayaa ku dhacay gudaha Israa’iil, illaa haddana xog badan lagama hayo khasaaraha uu geystay weerarkani.

Hawlgalka diblomaasiyadeed ee Iran u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa bartooda X ku sheegay, iyaga oo adeegsanaya qodobka 51aad ee axdiga Qaramada Midoobay, inay Iran qaadday tallaabo jawaab u ah, falkii gardarrada ahaa ee ay Israa’iil ka geysatay dhismahooda diblomaasiyadeed ee ku yaalla Dimishiq.

Iran ayaa intaas ku dartay “Israa’iil ma ka baaqsan doontaa inay khalad kale samayso, jawaabta Iraan waxay noqon doontaa mid aad uga daran tan iminka. Haatan waxaa xiisaddu u dhexeysa Iran iyo maamulka Israa’iil, oo ay tahay in Maraykanku uu ka fogaado.”

Tani waa markii ugu horeysay ee colaada u dhaxaysa labada dal ee cadaw ee soo jireenka ah lahaa, dagaal toos ah oo dhex mara, kuwaas oo sanado badan dhex maray in ay ku gooduyaan, balse laga baaqsaday, waxaan u dhaxayn jiray dagaal dadban oo ku dhex mara Suuriya iyo Lubnaan.

Dalal badan oo ku yaalla bariga dhexe oo ay ku jirto Israa’iil, ayaa si ku meel gaadh ah u xidhay hawadooda, waxaana la hakiyey duulimaadyo badan, halka kuwii hawada kusoo jirayna loo leexiyey meelo kale.

Diyaaraddaha United Airlines, El Al, Emirates, Air France, British Airways iyo Luftansa, ayaa hakiyey duulimaadyadii ay ku tagi jireen magaalooyin ka mid ah bariga dhexe, oo ay ku jirto Tel aviv.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa soo gaabiyey fasax uu ku joogay gobolka uu ka soo jeedo ee Delaware, isaga oo dib ugu soo laabtay Aqalka Cad, lana kulmay saraakiisha amniga u qaabilsan.
Tani waa weerar toos ah oo aan horay loo arag oo Iran ay ku qaaday dhulka Israa’iil, oo ah xulafada muhiimka ah ee Maraykanka.

Sida Mareykanku uga jawaabo waxay ku xirnaan doontaa baaxadda weerarada Iran, noocyada hubka ee loo adeegsaday iyo inta uu la egyahay khasaaraha.

Madaxweyne Joe Biden iyo Raiisel wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu waxay u badan tahay inay ka wadahadleen jawaab celin suurtagal ah markii ay taleefan wada hadleen daqiiqado ka hor.

Maraykanku waxa uu doonayaa in uu xaaladdan u dejiyo intii suurtogal ah, waxaana laga yaabaa in lagu qasbo in uu xukumo Israa’iiliyiinta marka uu saxayo jawaabtooda.

Ameerika iyo Israa’iil waxaa lagu boorrin doonaa inay si taxaddar leh u socdaan oo ay ka dhigaan aargoosi kasta oo mid saami ah.

Maraykanka iyo xulufadiisa, waxaa loo filayaa inaysan ka dhigin xaaladda mid falcelin ku jawaabid ah taas oo sababi karta iskahorimaad dagaal balaaan oo gobolka oo dhan ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in la xakameeyo colaadda ka taagan bariga dhexe. Wuxuu cambaareeyey xaaladda ka sii daraysa ee bariga dhexe gaar ahaan weerarka ugu dambeeyey.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Israel Oo War ka soo Saartay Samafalayaashii Ciidankeedu ku Laayeen Gaza.

Heemaaln

Daawo Sida Uu U Dhacay Dhul Gariir Ku Dhuftay Magaalooyinka Maraykanka

Heemaal

Somaliya iyo Qatar Oo kala Saxiixday Heshiis iskaashi Oo Dhinaca Milateriga ah

Heemaaln