Heemaal News Network

Wararkii Ugu Senbeeyay Ee Dagaalada ka Socda Suuriya

Israa’iil ayaa sheegtay inaysan oggolaan doonin hubka istiraatijiga ah ee gantaallada, nidaamyada difaac iyo hubka kimikada ee uu gacanta ku hayo Bashaar Al-Assad inay galaan gacanta mucaaradka ku dhow inay afgambiyaan nidaamka Assad, sida ay Al Jazeera ka soo xigatay warbaahinta Israa’iil.

Dhinaca Wasaaradda difaaca Ruushka, ayaa sheegay in xaaladdii ugu xumayd u wajahayo Bashaar Al-assad, sabab la xiriirta in Dimishiq ay weerar kala kulmayso saddex dhinac – waqooyi, koonfurta iyo bari, iyagoo intaa ku daray waxa u dambeeya ee Dimishiq sugayso inuu yahay soo galitaanka Abu Maxamed Jowlani — hadalka dambe wuxuu la macno yahay inuu dhacay nidaamkii Bashaar Al Assad…!

Ruushka ayaa u dhaqmaya sida inuu ka fogaanayo aagga mucaaradka, kaddib markii galinkii dambe ee maanta la arkay in nidaamyadiisa difaaca S-300 iyo qalabkiisa militari uu kala baxay magaalada Masyaf oo ka tirsan gobolka Xama ee ay la wareegeen mucaaradka Suuriya, iyadoo hadda la sheegay inuu Ruushka agabkiisa militari isugu aruuriyay saldhigga ciidamada badda Ruushka ee Tartus.

110 askari oo ka tirsan nidaamka Assad ayaa isku dhiibay dhaqdhaqaaqa mucaaradka ee la wareegay isgoyska xadka Suuriya iyo Jordan ee Nassib , deegaannadii istiraatijiga ahaa iyo saldhiyadii ku yaallay koonfurta Suuriya.

Mucaaradka Suuriya ayaa u sheegay muwaadiniinta Ruushka iyo Shiinaha ee ku sugan Suuriya , in dagaalka uusan iyaga ku jeedin oo aysan wax dhibaato ah kala kulmi doonin ciidanka mucaaradka, sida ku cad warsaxaafadeed ka soo baxay mucaaradka.

Ciidanka mucaaradka , waxay ka sameynayaan horumar qiyaasta ka fog koonfurta Suuriya , iyagoo isku ballaarinaya gobolka Daraa oo ay qabsadeen magaalooyinka; Aliyah, Jasim, Simlin, Inkhil, Muzayrib, Tafas, Nassib, Al-Musayfrah iyo Karak, halka sidoo kale hub, taangiyo , gaadiid dagaal iyo saldhigyo ay gacanta ku dhigeen.

Laakin ka warran in goobaha ay dhaqdhaqaaqa ka wadaan ciidanka mucaaradka inaysan ka fogeyn xadka dhulka ay Israa’iil heysato? halka istiraatijiyad ahaan howlgalkaa uu dhabar-jabin ku noqonayo Dimishiq oo ay jihooyin kala duwan ka soo weerarri karaan mucaaradka oo sidoo kale qabsashada magaalada Xumus, awood u siinaysa inay kala xiraan magaalooyinka xeebaha iyo Dimishiq , taa oo go’doon gelinaysa Dimishiq.

Sidoo kale Ciidanka kooxda kurdida ee SDF, ayaa la wareegay magaalada Deirezzour ee bariga Suuriya, oo xuduud la leh Ciraaq, kaddib markii ay ka saareen ciidanka nidaamka Assad iyo kooxaha ay Iran taageerto. Dhaqdhaqaaqa SDF ayaa suragelin kara in la xiro khadka Ciraaq.

Dawladaha Iran Ciraaq iyo Ruusha ayaa ahaa jidka taageerada saadka ee xukuumada Asad, balse waxaa ka soo baxaya hadal badan, laakin ma jirto wax caawimaad ah oo Assad uu ka helay..!