Heemaal News Network

Warqadii nabadda ee maanta Ukraine ay Gaysay Miiska Wadahadalkii Istanbul , sidee Ruushka uga jawaabay?

Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa maanta , martigelisay kulankii labaad ee tooska ahaa ee u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine; tan iyo markii uu dagaalkooda bilaabmay in ka badan saddex sano kahor. Kulanka waxaa lagu qabtay qasriga taariikhiga ah ee Çırağa Palace.

Wafdiga Ukraine , waxaa hoggaaminayay wasiirka difaaca, Rustam Umerov, halka wafdiga Ruushka uu hoggaaminayay kaaliyaha Putin, oo sidoo kale ah madaxa wada-xaajoodka, Vladimir Medinsky, iyagoo yeeshay wadahadal toos ah oo socday muddo labo saac ah.

Waraaqaha Nabadda

Ukraine , waxay soo bandhigtay mowqif rasmi ah, oo ay ku codsatay xabbad-joojin buuxda iyo dammaanad amni oo caalami ah. Ruushka, dhiniciisa, ma keenin wax qoraal ah kulanka, balse wuxuu af ahaan u sheegay laba dalab oo muhiim ah:

•In Ukraine ka baxdo afar gobol oo lagu muransan yahay; Donetsk,Luhansk,Kherson,Zaporizhzhia.

• Ukraine inay ka tanaasusho damaceeda ku aaddan ku biirista NATO.

Warqadda nabadeed ee Ukraine oo lagu qoray luqadaha Ukraine iyo Ingiriis ayaa la guddoonsiiyay Ruushka. Madaxa wada-xaajoodka Ruushka , Vladimir Medinsky wuxuu yiri markii warqada uu arkay oo labo bakhshad oo dusho looga qoray , mid kasta luuqadda ay ku qorantahay: “Xitaa ha ku soo qoraan afka Jabaanayska… kooxdaan waxay garanayaan luqado badan!”

Is-weydaarsiga maxaabiista iyo meydadka

Waxyaabaha kaliya ee wadahadallada maanta dhacay la isku afgartay waxaa ka mid ahaa is-weydaarsiga maxaabiista:

Ruushka ayaa ballan qaaday inuu toddobaadka soo socda si hal dhinac ah ugu wareejinayo Ukraine 6,000 meyd oo ah askar Ukraine. Waxa kaloo la isku raacay in la is-weydaarsado dhaawacyada iyo bukaanada.

Falanqeyn;

Wadahadallada Istanbul waxay muujinayaan khilaaf aad u weyn oo u dhexeeya labada dhinac. Ukraine waxay muuqatay mid diyaar u ah inay horay u socoto, halka Ruushka uu u muuqday mid sii xoojinaya xeeladiisa milateri iyo diblomaasiyadeed.

Inuu Ruushka ka fogaaday, miiska wadahadalka inuu keeno warqad rasmi , waxay muujin kartaa laba arrimood;

• Ruushka wuxuu doonaya in wadahadallada ay u noqdaan hab uu waqtiga ku iibsado si uu milatari ahaan uga faa’iideysto.

• Midda kale ; waxay noqon kartaa hab uu Ruushka ku raadinayo inuu cadaadiska sare ugu qaado Ukraine iyo reer galbeedka , si ay tanaasul dheeraad ah ula yimaadaan.

Inkastoo kulanka Istanbul lagu gaaray horumar la taaban karo oo dhinaca bini’aadantinimada ah — sida is-weydaarsiga maxaabiista iyo meydadka — haddana ma jirto wax tilmaamaya heshiis siyaasadeed ama xabbad-joojin dhow. Ruushka wali wuu ku adkeysanayaa mowqifkiisa, halka Ukraine ay isku deyeyso in ay sii waddo wadahadalka iyadoo taageero ka helaysa reer galbeedka.

Waqtiga ayaa go’aamin doona in kulamada noocan oo kale ah ay horseedi doonaan xal siyaasadeed oo dhab ah, mise ay noqon doonaan kaliya farsamooyin lagu lumiyo waqti, iyadoo dagaalku sii soconayo!