Heemaal News Network

Wasaaradda Amniga SSC-Khaatumo Oo Mammuucdey Dadka Ajaanibta ee SSC-Khaatumo soo gasha

Wasaaradda Amniga SSC-khaatumo iyadoo ilaalinaysa nabad-gelyada iyo badqabka muwaadiniinta SSC-khaatumo waxay soo saartay qodobadan hoos ku xusan.

1. Laga bilaabo Maanta oo Taariikhdu tahay 28/1/2025, waxaa la joojiyey cid kasta oo ku soo gasha sifo sharci darro ah Deegaannada Maamulka SSC-KH.

2. Cid kasta oo isku dayda ama fududaysa soo gelista Ajaanibta si sharci darro ah waxaa lala tiigsan doona sharciga.

3. Waxaa la farayaa dhammaan Shirkadaha Isgaadhsiinta ee ka haw-gala Maamulka SSC-KH inay joojiyaan Taleefoonnada iyo Accounts-ka ay siiyaan Ajaanibta ku joogta sharci darrada Maamulka SSC-KH, isla markaana ay Xayiraan Kuwii ay hore u siiyeen ugana saaraan ciddii ay lacagi ugu jirtay muddo dhan 7 Cisho gudohood.

4. Waxaa la joojiyey ku tuugsiga Waraaqaha lagu qoro Telefoonnada ee Goobaha Bulshadu isugu timaado sida, Suuqyada, Masaajidda iyo meheradaha kala duwan.

5. Laga bilaabo Maanta Lagama kireyn karo Guri iyo Meherad Ganacsi, isla markaana lama shaqaalaysiin karo qof Ajnabi ah oo aan Dalka ku joogin sifo sharci ah.

6. Waxaa la joojiyey Ganacsiyada yar-yar ee lala wareego oo aan loo haysan ruqsad ama shati Ganacsi.

Mudane Ibraahim Jama Reygal
Wasiirka Wasaaradda Amniga SSC-khaatumo.