Iyadoo ay kordhayso xiisada ka jirta Bariga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa digniin amni u dirtay muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan gobolladaas.
Wasaaraddu waxay ugu baaqday muwaadiniinta inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, maadaama ay horey u jireen xaalado la mid ah kuwa hadda taagan oo sababay carqalado safar iyo walaac dhanka ammaanka ah.
Dowladda Maraykanka ayaa sidoo kale ku boorrisay muwaadiniinteeda in ay iska diiwaan geliyaan Barnaamijka Diiwaangelinta Socotada Caqliga leh (STEP) si ay u helaan macluumaad iyo digniino waqtigooda ah, loona fududeeyo in lala xidhiidhi karo haddii ay dhacdo xaalad degdeg ah oo ka dhacda meel ka baxsan dalka.
Ergayga bariga dhexe u qaabilsan Mareykanka, Steve Witkoff ayaa maanta u sheegay xubnaha Congress-ka ee Jamhuuriga, weerar kasta oo ay Israa’iil ku qaado Iran inay ka dhalanayso jawaab ay Iran ka bixinayso oo khasaare baaxad leh gaarsiinaysa Israa’iil, sida ay werisay shabakadda Axios.
Trump , ayaa isagoo warbaahinta kula hadlaya Aqalka Cad, wuxuu yiri ; “Wax ayaa dhawaan ka dhici kara Bariga Dhexe. “Weerar ay Israa’iil ku qaado Iran, ma aha mid dhow… laakin waxay geysanayaan burbur.”