Heemaal News Network

Wasiiirka A.Dibada Oo Qaabilay Hawladeenada Aqalka Sare ee Maraykanka Oo soo Gaaray Hargeysa

Booqashadii labaad ee Hawladeennada Aqalka Sare ee Maraykanka (US Congressional Staff) ayaa maanta ka bilaabmay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Arrimaha debedda ayaa ku soo dhoweeyey martida Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Cigaal.

Safarkan xograadinta ah ee xilligii ku habboonaa yimi, waxa isku dubbaridey Urrurada American Humpty Dumpty Institute (HDI) iyo American Global Institute (AGI) waxana soo qabanqaabiyey safarka Seeska Hiddaha iyo Dhaqanka ee Redsea Cultural Foundation (RCF).

Waxa goobta ku sugnaa oo horkacayay martida Dr. Al Khalafalla, oo ka socdey HDI, iyo Dr Jama Musse Jama oo ah Guddoomiyaha RCF.