Heemaal News Network

Wasiir Dalka Keenay Calan laga Taagayo Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi oo maalmahii la soo dhaafay safar shaqo ugu maqnaa wadanka Tanzania, ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Wasiirka ayaa magaalada Muqdisho ka soo dejiyey calanka Ururka Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika oo maalmo ka hor ay Soomaaliya si rasmi ah ugu biirtay ururkaas, waxaana halkaas ku qaabilay Wasiiro iyo madax kale oo ka tirsan dawladda.

Wasiir Jibril, ayaa sidoo kale 4tii bishan Maarj, 2024 wuxu, calanka Soomaaliyeed iyo Dhukmentiyadii ansaxinta heshiiska ku biirista Ururkaas geeyey xarunta Ururka Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika oo ku taala magaalada Arusha ee wadanka Tanzania halkaas oo munaasibad weyn oo lagu qabtay laga ga dhawaaqay in Soomaaliya ay si rasmi ah ugu biirtay ururkaas, waxaana calanka Soomaaliyeed laga taagay afaafka hore ee xarunta ururka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa calanka Ururka Dhaqaalaha Bulshada Afrika ku wareejin doona Madaxweynaha dalka Dr. Hassan Sheikh Mohamoud iyada oo marka ugu horreysa si heer qaran ah loogga taagi doono Madaxtooyada Villa Somalia intaa ka dib na laga taagi doono guud ahaan xarumaha hay’adaha dawladda ee wadanka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xildhibanada Awdal Ee Barlamanka S/land Oo Go’aan Deg-deg Ah Kasoa Saarey Heshiska Bada

Heemaaln

Xisbiga Waddani Oo Hanjabaad Kaga Jawaabay Waraaqdii M/Biixi ku Celiyay Guurtida

Heemaal

Faysal Cali Waraabe Oo Cambaareeyay Mawqifka Dowlada Jabuuti Ie isfahamka Somaliland iyo Itoobiya.

Heemaaln