Diyaarada Salaam Air duulimaadkeedii maanta ee u socdey Magaalada Nairobi, Kenya ayaa rakaabkii diyaarada oo waqtigii ay bixi lahaayeen markii horeba laga daahiyay waxaa mar kale loo xanibey Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Shiikh Cabduqaadir.
Wasiirka oo gadaal ka yimid ayaa waxaa rakaabkii tikidhada jartey ee diyaarada saarnaa lagu amrey iney ka degaan diyaarada si wasiirku u galo kadibna ay mar kale ku soo laabtaan.
Dadkii dayuurada laga dejiyey oo saacado dib u dhacay safarkoodii ayaa waxaa waxaa gebi ahaan laga densadey qaboojiyihii illaa dadku ay dareemeen culeys xaga naqaska ah kuleyl dartiis, iyadoo maalmahan cimilada Muqdisho ay tahay xiligii ay ugu kululeyd.
Markii wasiirka oo xili dambe yimid uu dayuurada soo korey, ayaa dadkii loo fasaxay iney dayuurada galaan iyagoo ka careysan dib u dhaca iyo dhibaatooyinka kale ee Wasiir Faarax dartiis loogu geystay.
Hooyo codkar ah iyo Oday ka tirsanaa rakaabka ayaa ereyo qaraar Wasiirka dhegaha ugu shubay kuwaasoo ay ka mid ahaayeen “Waayeel ayaa tahay ummada cuqubadeeda Allaha kaa koriyo” iyo “Wasiirka nagama duceysan maanta”.
Hase ahaatee Wasiir Faarax ayaa halkii uu dadka raali gelin siin lahaa ismoogeysiiyey hadalada dhagihiisa ku soo dhacayay, isagoo ay ka muuqato isla weyni uu u muujinayo shacabka uu adeegaha u yahay taasoo dad badan ka yaabisay.