Heemaal News Network

Wasiir Fartaag Oo Ugaaska Marexaan kala Hadlay Hubkii Lagu Boobay Caabudwaq (Sawirro)

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray degmada Caabudwaaq, ayaa kulamo hordhac ah la qaatay waxgaradka deegaanka oo uu hoggaaminayo Ugaas Maxamed Ugaas Axmed.

Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa tilmaamay in uu deegaanka u yimid sidii loo sii xoojin lahaa nabadda iyo xasilloonida, isla markaana aysan dowladda federaalka Soomaaliya marnaba ogoleyn inay deegaanka ka dhacaan wax kasta oo dhaawacaya nabadda iyo xasiloonida bulshada.

Fartaag ayaa kala hadlay Ugaaska iyo waxgaradka uu la kulmay sidii gacanta dowlada loogu soo celin lahaa hub ku rarnaa labo gaari oo dhowaan lagu boobay duleedka degmada Caabudwaaq kaasoo ka yimid dhinaca Itoobiya.

Ma jiraan illaa hadda wax natiijo ah oo ka soo baxay kulamada dhexmaraya wasiirka iyo waxgaradka degmada Caabudwaaq oo weli socda, iyadoo DF ay dedaal ugu jirto sidii hubkaas faraha badan loo soo celin.

Kulankan waxaa Wasiir Fartaag ku wehliyey Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Agaasimayaal, siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Waayeel.