Safiirka Soomaaliya ee Uganda Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa Wasiirka ku soo dhaweysay xarunta Safaaradda, halkaas oo ay warbixin kaga siisay shaqooyinka ay safaaraddu qabato.
Sidoo kale, waxay Wasiirka iyo Xoghayaha Joogtada ah ku soo wareejisay dhammaan xafiisyada safaaradda, iyagoo u kuurgalay qaabka ay u shaqeeyaan.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa bogaadiyay goobta safaaraddu ku taallo, isagoo xusay in ay tahay dhismo bilic leh oo soo jiidasho leh. Sidoo kale, wuxuu ku dhiirrigeliyay diblumaasiyiinta iyo shaqaalaha safaaradda in ay sii xoojiyaan dadaalkooda shaqo, si ay ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan Uganda.