Wasiirka Arrrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta, ku qaabilay xafiiskiisa, Danjiraha Ruushka u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Mikhail Golovanov, oo uu kala hadlay dhowr arrimood oo la xiriira iskaashiga amniga, Arimaha bulshada iyo bani’aadantinimada.
Kulanka ayaa intii lagu guda-jiray, waxa uu Wasiir Fiqi guddoomay casuumaadda rasmiga ah ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika oo lagu wado inay ku qabsoonto magaalada Sochi 11-12 November.
Ruushka iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeya Xiriir Soo jireen ah.