Heemaal News Network

Wasiir Fiqi Oo si Adag Ugu Jawaabay Feysal Cali Waraabe Oo Taageeray Al-Shabaab.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa si aad ah uga carooday qoraal uu qoray Siyaasiga reer Somaliland ee Feysal Cali Waraabe, kaasoo qoraalkiisa uu u muuqday mid uu ku taageerayo Al Shabaab.

Feysal Cali Waraabe oo hore wiilkiisa uu uga tirsanaa Daacish, kuna geeriyooday dagaallada uu ku jiro ururkaasi, ayaa waqtigan si cad u taageeeray Al Shabaab, waxana Wasiir Fiqi uu soo jeediyey in ninkan lagu daro Liiska Argagixisada.

“Allahu Akbar Waxaynu eegnaba waa Xarakada Al Shabab oo la wareegta Somaliya, dhawaan. Siidi aan hore u sheegay bisha May amba ugu dambeeyn Bisha June 2025. Failed state of Somalia oo bilaa nidaam aheed Laga soo bilaabi 1991, taliskii Siyaad Bare ka dib. Waxay khatar ku ahayd Nabadgalayada Aduunka, siiba Geeska Afrika, iyo isu socodka ganacsiga aduunka” ayuu yiri feysal oo qoraal soo dhigay bogiisa Twiterka.

Feysal ayaa hadalkiisa ku soo beegay xili maanta kooxda Al shabaab ay weerar qaraxyo ku bilowday ku qabsatay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/dhexe oo labo sano kaq hor laga saaray ka dib markii ay u awood sheegteen ciidamada DF & kuwa degaanka oo dib uga baxay degmadaas.

HOOS KA AKHRISO