Heemaal News Network

Somalia Iyo Itoobiya Oo Siyaabo kala Duwan Uga Hadlay Shirkii Ankara Ee Fashilmay

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay wareegii labaad ee wadahadalkii Somalia iyo Itoobiya ee ka socday magaalada Ankara ee dalka Turkiga kaasoo ku dhamaaday guuldaro.

Fiqi ayaa caddeeyay in Soomaaliya mowqifkeeda uu yahay hal, aysana aan marnaba la aqbaleyn damaca Itoobiyaoo ku sifeeyey inuu yahay “Ku Qabso ku qado mayside”

Waxaa soo dhamaaday wareeggii 2aad ee wadahadlka inoo dhexeeyey annaga & dawladda aan deriska nahay. Mahad ballaaran walaalaheen Türkiye oo dadaal weyn bixiyey, gogosha 3aadna dalkooda lagu ballamay. Soomaaliya mawqifkeedu waa hal mid oo aan aqbalayn “ku qabso ku qadi mayside” ayuu yiri Fiqi oo qoraal soo dhigay barta X ee horey loo oran jiray Twitter.

Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibada Itoobiya Nebiya Tedla oo kahadlayay wada hadalka Ankara ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay helida Adeeg Badeed, maadaama dadkooda ay kor u dhaafeen 123 Milyan oo aan Bad la’aan ahaan karin, sidaasoo kalena ay ixtiraamayaan madax banaanida dhammaan dalalka deriska la ah Itoobiya.

Tedla ayaa dhinaca kale sheegay inay ilaashan doonaan deriskooda ay danuhu ka dhaxeeyaan, oo ay kuwada jiraan heshiisyada.