Heemaal News Network

Wasiir Ina Kaahin Oo Kulan la Qaatay Safiirka Cusub Ee Itoobiya u Jooga Hargeysa.(Sawiro)

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa kulan la qaatay Safiirka Cusub ee Dowladda Itoobiya u soo magcawday Jamhuuriyadda Somalilad Ambassador Teshome Shunde Hamito, kulankan oo ka qabsoomay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa warbixin ka siiyey Safiirka Xaaladda guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaa kale oo uu warbixin ka siiyey taariikhda faca wayn ee Somaliland leedahay. Waxaa kale oo ay ka wada hadleen Wasiirka iyo Safiirku amniga geeska Afrika, iskaashiga amniga ee ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya, in la xoojiyo xidhiidhka nabadgelyada ee labada Dowladood iyo guud ahaanba in la sii adkeeyo xidhiidhka taarikha ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dowladda Federaalka Itoobiya.

Safiirka ayaa dhiniciisa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL uga mahadnaqay soo dhowaynta uu u sameeyey. Kulankan waxaa Wasiirka ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Horuumarinta Caafimaad Xasan Maxamed Cali Gaafaadhe iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Yusuuf Ismaaciil.