Heemaal News Network

Wasiir kale Oo Iska casilay Xukuumada Xamse

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada XFS Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare ayaa iska casilay xilka.

Axmed Cismaan Daqare ayaa ku eedeeyey Xukuumada Xamse Barre ay ka leexatay wadadii saxda aheyd, isla markaana ay baal martay dastuurkii lagu soo doortay.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kaliya lumisay masuulkii labaad oo xilka baneynaya.

Wasiiru Dowlihii wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgaahiga C/rashiid Jire Qalinle, ayaa saaka iska casilay xilkiisa, waxaana istiqaalada is casilaadiisa u gudbiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Wasiiradan iscasilay ayaa dhamaantood ka soo jeeda degaanada Jubbaland, iyadoo arintan la aaminsan yahay inuu ka dambeeyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo khilaaf xoogan uu kala dhexeeya madaxda DF

HOOS KA AKHRISO QORAALKA ISCASILAADA DAQARE