Heemaal News Network

Wasiir Lagu Eedeeyay Kufsiga Gabar 16 Sanno jir aheyd Oo Shaqada Laga Eryay

Madaxweynaha Namibia, Netumbo Nandi-Ndaitwah, ayaa shaqada ka eriday wasiirkii beeraha, Mac-Albert Hengari, ka dib eedeymo culus oo ku saabsan kufsiga gabar 16 jir ah, dhacdo la sheegay in ay dhacday shan sano ka hor.

Sida laga soo xigtay warbaahinta maxalliga ah oo soo xiganaya afhayeenka booliiska, Hengari ayaa la xiray Sabtidii ka dib markii lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu laaluusho dhibbanaha, oo hadda 21 jir ah, si uu u joojiyo kiiska.

Hengari, ayaa diiday inuu wax dambi ah ku lug lahaa, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda maxkamad la soo taago.

Dhacdadan ayaa noqotay tijaabadii ugu horreysay ee maamulka madaxweyne Nandi-Ndaitwah, oo ah haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota dalkaas ay talaabo ka qaaddo, taasoo xilka la wareegtay bishii hore.

Inkasta oo war-murtiyeedka rasmiga ah ee ka soo baxay aqalka madaxtooyada aan lagu soo bandhigin xog faahfaahsan oo ku saabsan sababta xilka looga qaaday wasiirka, haddana waxa la xaqiijiyey in Hengari sidoo kale laga xayuubiyey kursigii uu ku lahaa baarlamaanka qaranka.

Hengari waxa uu ahaa xubin baarlamaan oo tigidhka xisbiga talada haya ee Swapo ku soo galay, ka dib magacaabistii madaxweynaha.