Heemaal News Network

Wasiirada Difaaca Ee Turkiga iyo Somaliya Oo Heshiis Dhinaca Difaaca ah kala Saxiixday.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kulan kula qaatay dhigiisa dalkaas Yaşar Güler.

Wasiiradda Difaaca dalalka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ka wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal, amniga gobolka iyo la dagaalanka kooxda Al-shabaab.

Labada Wasiir ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis muhiim ah oo la xariira dhinaca Difaaca iyo dhaqaalaha.

“Waxaan wada sixiixaney heshiis taariikhi ah ee Difaaca iyo Dhaqaalaha oo sii xoojin doono amniga Soomaaliya iyo kan Gobolka” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga taageerada walaalnimo ee mar walba ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowlada Soomaaliya.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Xisbigii Waddani Mahad Salaad buu Nayroobi kula shirayaa.” Siyaas Qardaawi.

Heemaaln

Imaardka Oo La Saftay Itoobiya Iyo Sacuudiga Oo La Saftay Soomaaliya Hubna U Soo Diraya

Heemaal

Somaliya iyo Imaaraadka Oo ka Wada-hadlay u Diyaar garowga Khasaraha Roobka Gu’ga

Heemaaln