Heemaal News Network

Wasiirka A.Dibadda Ee Turkiga Oo Booqday Gobolka Xinjiang Ee Shiinuhu ku Ciqaabo Muslimiinta Uyghur.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan ayaa booqasho dhif iyo naadir ah ku tagay magaalada Urumqi caasimad u ah gobolka Xinjiang ee dalka Shiinaha.

Gobolkan waxaa deggan qoomiyadda Uyghur oo ah Muslimiinta ugu badan ee Shiinaha, kuwaas oo ay dowladda Shiinaha u geysato xasuuq.

Wasiirka ayaa booqday Masjidka Yanghan iyo suuqa caanka ah ee magaaladaas. Booqashadan ayaa ah tii ugu heer sarreysay oo uu masuul ku tago gobolkaas tan iyo 2012 markaas oo uu madaxweyanaha hadda Erdogan oo waagaa ahaa Ra’iisul Wasaare uu booqasho ku tagay.

Gobalkan waxaa ku nool in ka badan 11 milyan oo qoomiyadda Uyghur u badan, Shiinaha wuxuu dadkan Muslimiinta ah u ciqaabaa si ka baxsan bani’aadanimada, in ka badan hal milyan oo dadkaas ayuu isugu geeyay kaamam halkaas oo uu ugu geysto dil iyo ciqaab wadareed.