Heemaal News Network

Wasiirka Amniga Gudaha Oo Kulan la Qaatay Madax Ka Socday Urur-Goboleedka Heeganka Bariga Afrika (EASF).

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Cabdullahi Sheekh Cismaaciil (Fartaag) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Xafiiska Urur-Goboleedka Heegganka Bariga Afrika (EASF).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga ee Soomaaliya iyo Urur-Goboleedka EASF, iyadoo la falanqeeyay arrimo la xiriira horumarinta nabadgelyada iyo kor u qaadidda wada shaqeynta labada dhinac, taas oo sii xoojiysa xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo EASF, si kor loogu qaado dadaallada nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka.

Wafdigaan oo uu hoggaaminayay Brig (Rtd) Paul Kahuria Njema, waxaa sidoo kale ka mid ahaa Brig Gen Stephen Kashure iyo Lt Col Lilian Shigoli, oo kala ah Taliyaha Guud ee Shaqaalaha – PLANELM iyo La-taliyaha Dhanka Sharciga.