Heemaal News Network

Wasiirka Amniga Oo James Swan kala Hadlay Arrimo xasaasi ah (Sawirro)

Wasiirka amniga gudaha Xukuumada Somalia mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kulan la yeeshay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

Kulankan ayaa lagu falanqeeyay dhowr qodob oo muhiim ah oo la xiriira xaaladda amni ee dalka.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray Caddeynta digniinaha iyo wargelinta Qaramada Midoobay la sheego inay ka soo saarto amniga dalka, isweydaarsiga macluumaadka ku saabsan khataraha ay sababi karaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo halista xeebaha, Ammaanka Muqdisho kaddib marxaladda kala guurka ee ATMIS, kulanka isku-xirka amniga ee FGS-ATMIS-UN-AAIA iyo Warbixin ku saabsan barnaamijka wadajirka ah ee booliska.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa iska fogeeyey inuu soo saaro warbixinno iyo digniino la xiriira amniga dalka, kuwaasoo muwaadiniinta looga digayo khataro amni inay ku soo wajahan yihiin goobo la cayimay.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa sidoo kale uga digay shacabka Soomaaliyeed farriimaha noocaan ah ee lagu marin habaabinayo bulshada, laguna khal khal gelinayo amniga. Waxa uu carabka ku adkeeyay in amniga dalka uu yahay mid xasaasi ah loona baahan yahay in dhammaan dhinacyada ay si taxaddar leh uga shaqeeyaan.