Wasiir kuxigeen Duran ayaa salaan uu ka siday Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan u gudbiyay Wasiir Axmed Fiqi, isaga oo ka hadlay horumarka laga gaaray Baaqii Ankara ee soo baxay 11 December, 2024.
Intii uu socday kulanka waxaa labada dhinac ay xuseen muhiimadda ay leedahay fulinta heshiisyada la kala saxiixday ee dhinac kasta leh, oo ay ku jiraan Gaashaandhigga, Maalgeshiga, Kalluumeysiga iyo kheyraadka dabiiciga ah, iyadoo la xoojinayo baahida loo qabo iskaashi sal adag oo taaba-gelinaya horumar waara, islamarkaana horseedaya kobac dhaqaale.