Wasiirka Amniga Gudaha Somalia Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa magaalafda Doha ee dalka Qadar kulan kula la qaatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha wadankaas Abdiaziz Bin Faisal Bin Maxamed Al-Thani.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal gaar ahaan dhinacyada amniga iyo arrimaha gudaha, Sidoo kale waxay ay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa wada shaqeynta iyo taageerada dowladda Qatar ee Soomaaliya.
“Waxaan maanta magaalada Dooxa kulan kula yeeshay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Qatar, Cabdilcasiis Bin Faysal Bin Maxamed Al-Thani. Kulanka ayaan diiradda ku saarnay xoojinta iskaashiga labada dal gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta” ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).
Qatar ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya iyagoo ka caawiya dhinacyada dhaqaalaha, dib u dhiska, amniga, mashaariicda horumarinta iyo arrimaha bani aadamnimada.