Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, wasiirada ayaa isla soo qaaday ballaarinta iskaashiga gaar ahaan dhinacyada horumarinta Dhaqaalaha, Amniga iyo Isdhaafsiga dhaqanka.
Labadaan masuul ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha Gobolka ee muhiimka ah, iyagoo caddeeyay inay ka go’an tahay horumarinta xasilloonida iyo barwaaqada Gobolka.