Wada hadalladan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal, iyadoo xoogga la saaray horumarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah, sida amniga, siyaasadda, waxbarashada iyo dhaqaalaha.
Cilaaqaadka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Masar ayaa ku saleysan walaaltinimo iyo iskaashi waxtar leh, kaas oo qayb ka qaadanaya horumarinta labada dal.