Heemaal News Network

Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya Oo Shirkii Nato kula Kulmay Dhigiisa Maraykanka

Wasiirka arrimaha dibadda Suuriya, Asaad al-Shaibani ayaa maanta Antalya oo uu ka socda kulanka heer wasiir ee isbahaysiga NATO, kula kulmay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Marco Rubio , iyagoo yeeshay wada-hadal uu fududeeyay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Hakan Fidan.

Ankara, waxaa ku sugan Madaxweynaha Ukraine, oo ka codsanaya Erdogan, inuu ku qanciyo Putin inay yeeshaan wada-hadal toos ah, Istanbul ayaa sidoo kale waxaa ku sugan wakiillo kala matalaya Ukraine iyo Ruushka , magaalada xeebta leh ee Antalya, ayaa iyaduna martigelinaysa wasiirrada arrimaha dibadda isbahaysiga NATO iyo wadahadallada Suuriya iyo Mareykanka . Waxay u tahay Turkiga toddobaad uu dunidda u isugu muujinayo xarunta diblomaasiyadeed ee caalamiga ah.