Heemaal News Network

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga la kulmay Hoggaanka sare Ee Xamaas.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga , Hakan Fidan ayaa la kulmay xubno ka tirsan hoggaanka sare ee Xamaas, balse ma jirto illaa hadda xog loo gudbiyay warbaahinta ama laga helay kulankan arrimaha laga hadlay.

Saddexdii bilood ee u dambeysay Erdogan ayaa ku cel celiyay in Xamaas difaac u tahay dalalka carbeed iyo qorshaha Israa’iil ee ‘dhulka ballanqaadka’, oo qeyb ka mid ah Turkiga ay doonayso inay ku qabsato Israa’iil, wuxuuna ka dalbaday taageerro iyo faragelinta xaaladda Qasa dalalka Carabta iyo Islaamka..!

Hadda Turkiga wuxuu sare u qaaday saameyntiisa Xamaas, iyadoo deegaanno amni ah la siiyay hoggaanka Xamaas, sababtoo ah bartilmaameedka xiga ee Israa’iil waa inay disho Khaled Mashal oo Turkiga deggan.

Saameynta Turkiga ee Xamaas , kuma faraxsana Iran!