Heemaal News Network

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Oo Arimo Badan kala Hadlay Hogaamiyaha Suuriya

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga , Hakan Fidan oo booqasho rasmi ah ku tagay caasimadda Suuriya ee Dimishiq ayaa suxufiyiinta u sheegay inay jiraan dalal isku dayaya inay faragelin ku sameeyaan arrimaha gudaha Suuriya , iyagoo taageerraya dhinacyo kale.

Turkiga ayaa sidoo kale tilmaamay inuusan sugi doonin nooc kasta oo faragelin oo wax u dhimeysa geeddi-socodka dawlad dhiska Suuriya , taa beddelka uu Turkiga qaadayo tallaabooyin uu uga hortagayo.

Wasiirka Arimaha Dibada Turkiga oo ka hadlayay kulankan ayaa yiri “ Waxaan taageeri doonaa dawladda cusub ee Suuriya si ay awoodeeda ugu fidiso dhammaan dhulka Suuriya … Ma jirto meel ay ku sugan yihiin ururada argagixisada ah dhulka Suuriya..”

Sidoo kale wasiir Fidan ayaa sheegay in loo baahan yahay khayraadka saliidda ee ay maamulaan ururradasi in ay ku soo noqdaan dawladda cusub ee Suuriya, isagoo xusay in Israa’iil looga baahan yahay inay ixtiraamto madaxbannaanida dhuleed ee Suuriya oo ay joojiso hawlgallada ay ka waddo dhulka Suuriya.

Ugu denbeyntii ayaa wasiir Fidan waxa uu balan-qaaday in dawladiisa Turkigu uu garab-taaganaan doono reer Suuriya si aan u dhisno dawlad cusub, oo loo dhan yahay