Heemaal News Network

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Gudoomiyey Shirka Adkaynta Amniga Gudaha iyo Xuduudaha SSC

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Maamulka SSC-khaatumo Mudane Cabdisahal Jaamac Maxamed ayaa Gudoomiyey Shir ku Saabsanaa Adkaynta, Xoojinta Amniga Gudaha iyo Xuduudaha Maamulka SSC-Khaatumo Kulan Waxaa Wasiirka ku Weheliyey Dhinaca Wasaarada Agaasimaha Guud Wasaarada Abdisalam Iman Ali iyo La Taliyaha Madaxwaynaha Xuseen Xaashi Xasan.

Kulankan oo ahaa kulan muhiim ah Mudadii uu Socday waxaa lagu Lafa-guray Adkaynta iyo Xoojinta Amniga Gudaha iyo Xabsiyada.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Abdisahal Jaamac Maxamed Ayaa faray Hay,adaha Amniga Gudaha in la Xoojiyo Amniga, Sidoo kale Mar kasta Heegan loo ahaato Wax kasta Oo Cabaqad ku Noqon kara Amniga Gudaha, Lagana Hortago Shirqool kasta oo ay isku Dayaan Cadowga Maamulka SSC-Khaatumo.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Asluubta Maamulka SSC-Khaatumk G/ Sare Jaamac Saxariid ayaa isna Dhiniciisa Soo Jeediyay Warbixinta Guud Ee Xabsiyada Dalka.

Badhasaabka Gobolka Sool Cismaan Xuseen Cabdalle oo kulan ka Qayb ka ahaa ayaa ku Dhiiri Geliyey Madaxda Ciidamada Adkaynta Nabad Gelyada, isaga oo Gudoomiyuhu Caddeeyey in ay Ciidamada Booliska Gobolka Sool Habeen iyo Maalinba u Taagan Yihiin Amniga Caasimada iyo Guud ahaan Gobolka Siina Xoojiyaan Amniga iyo Adkaynta Nabad Gelyada Guud Ee Gobolka.

Shirka Sido kale Waxaa Qayb ka ahaa Agaasimaha Hay,ada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Gashaanle Mahad Axmed Gaas ayaa Dhiniciisa Soo Jeediyay Tallaabooyin Muhiim ah oo Amniga Gudaha lagu adkaynayo..