Heemaal News Network

Wasiirka Deegaanka Puntland, Oo ka Hadlay Cimilada sii kululaanaysa.

Wasiirka Deegaanka Puntland, Maxamed Faroole ayaa maanta ka hadlay cimilada sii kululaanaysa ee dalka Somaliya gaar ahaan deegaanada Puntland

“Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Puntland waxa ay bilowday dadaal wadajir ah si wax looga qabto loogana warqabo arrimaha deegaanka si wax ku ool ah.”ayuu yiri wasiir Faroole

Waxaa naga go’an ilaalinta deegaankeenna iyo damaanad qaadka wanaagga bulshadeenna; iyada oo la adeegsanayo dedaallo hufan oo waara.

Aan midowno dadaalladeenna si aan u wajahno caqabadaha degdegga ah uguna shaqeyno Puntland in ay u adkeysato isbadalka cimilada.”